4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Midowga Yurub oo sheegay in ay badqabaan shaqaallahooda ku sugan xeebaha Soomaaliya

 Talaado, June, 27, 2017 (HOL) – Midowga Yurub ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in shil uu galay mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Caluula oo ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa baahisay in qarax xoogan laga dhex maqlay mid ka mid ah maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay Isniintii maqleen qarax xoogan oo ka dhex dhacay mid ka mid ah maraakiibta midowga Yurub ee halkaasi ku sugan.

Qoraal uu Twitter soo dhigay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida, ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin wax shil ah oo dhacay.

EU NAVFOR, ayaa qoraalkood ku cadeeyay in dhammaanba shaqaalahooda ku sugan biyaha Soomaaliya ay xaaladoodu wanaagsan tahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]