4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Taiyaha Nabadsugidda Qaranka: 90% hoos ayay u dhaceen qaraxyada iyo dilalkii Muqdisho

Talaado, June, 27, 2017 (HOL) -Taliyaha nabadsugidda Qaranka C/laahi Max’ed Cali (Sanboloolshe) oo ka warbixinayay howlgallada ay ciidamada xasilinta Muqdisho iyo kuwa nabadsugidda bishii Ramadaan ka sameeyeen Muqdisho ayaa sheegay in dadaal lagu bixiyay sidii looga hortagi lahaa qorsheyaal ay wadeen kooxda Al-shabaab oo lagu dhibaateeynayo dowladda iyo shacabka.

Taliyaha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay ciidamada xasilinta caasimadda oo uu ku amaanay in ay baajiyeen weerarro badan oo ay damacsanaayeen kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in kuwa dhacay bishii Ramadaan ay intooda badan ahaayeen kuwo lala eegtay xarumo ay shacabku leeyihiin.

“Dabcan Anaga ujeedadeennu waxay ahayd in magaaladan hal qarax uusan  ka dhicin hal qofna uusan ku dhiman laakiin dagaalka lagu jiro ayaa ahaa dagaal aad u culus, oo cadow muddo waxaan u diyaargaroobayay uu wado,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu intaa ku daray in bishii dhamaatay ee Ramadaan ay magaalada Muqdisho ka dhaceen sedex qarax, kuwaa oo uu sheegay in lala beegsaday shacab aan waxba galabsan iyo goobo uu sheegay in aysan lahayn wax istaraatijiyad ah, ayna ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.

Taliyaha ayaa intaa ku daray “Waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho 12 qof oo dilal qorsheeysan lagu dilay bisha barakeeysan ee Ramadaan, waxaa qaraxyada ku dhintay 28 qof, marka la isku daro waa 40 qof, dhaawacuna waa 62 qof.”

Bishii Ramadaan ee sanadkii hore ayuu sheegay in qaraxyada iyo dilalka aad uga badnaayeen sanadkan, isagoo yiri “Sanadkii hore qaraxyadu waxay ahaayeen 28 qarax oo u dhiganta maalin kasta hal qarax ayaa dhici jiray, dilalkii qorsheysnaa halkii bishan uu ka ahaa 12, 40 qof ayuu ahaa, kuwo kaloo badan oo aynan report gareeyna dabcan way jiri karaan inta qaraxyada ku dhimatayna waxay ka badanyihiin 80 qof.”

“Waxaa muuqata in 90% in ka badan ay  hoos u dhaceen qaraxyadii ka dhici jiray Muqdisho, halka dilalka in ka badan 80% ay hoos u dhaceen, Annaga ujeedadeennu sidaan hore idinku sheegnay maahan in wax la yareeyo in wax la dhameystiro oo meesha uusan dil ka dhicin weeye, waxaan rabnaa si taas loo gaaro, shacabka Soomaaliyeed wadashaqeyntii iyo kaalmadii laga helay intii lagu jiray howlgalladan mid ka badan laga sii helo, in ay noo dulqaataan, ciriiriyada iyo culeysyada yar yar ee ay arkayaan insh’allah waa laga gudbi doonaa, wada shaqeyn dhab ah ayaan ka rabnaa,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Hadalka kasoo yeeray taliyaha nabadsugidda ayaa kusoo beegmaya ayadoo magaalada Muqdisho ay mudooyinkii u danbeeyay howlgallo baaxad leh ka wadeen ciidamada xasilinta Muqdisho, kuwaa oo ay kula dagaalamayaan dadka sita hubka sharci darrada ah iyo weliba kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.