4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Qarax laga maqlay Markab ku xirnaa xeebaha degmada Caluula ee Puntland
Talaado, June, 27, 2017 (HOL) -Wararka ka imaanaya Xeebaha degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax weyn laga maqlay markab kuwa dagaalka ah oo ku sugnaa meel qiyaastii 44KM u jirta degmada Caluula.

Lama garanayo waxa sababay qaraxa iyo weliba cidda iska leh Markabka laga maqlay qaraxa, haseyeeshee dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay maqleen uu ahaa mid aad u xooggan.

Masuuliyiinta Puntland wax faahfaahin ah weli kama bixin, balse doomo kalluumeysi oo ku sugnaa degmada Caluula ayaa la sheegay in ay aadeen dhanka Markabka si ay gurmad ugu fidiyaan hadii uu jiro shil ka dhex dhacay gudaha markabkaasi.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo ka socda dalalka Midowga Yurub iyo dalal kale oo caalamka ah, kuwaa oo sheegta in xeebaha Soomaaliya ay u joogaan la dagaalanka budhcad badeeda.

Wixii Wararkaasi kusoo kordha kala soco Hiiraan Online Insh’allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.