4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Wasiiirka arimaha dibadda Qatar oo Washington kula kulmi doona Tillerson

Talaado, June, 27, 2017 (HOL) -Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar ayaa lagu wadaa in magaalada Washington uu kula kulmo dhiggiisa dalkaasi Mareeykanka, kdib markii waaxda arimaha dibadda Mareeykanka ay sheegtay in ay ka walaacsantahay xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Khaliijka.

Kulanka uu Sheekh Max’ed Bin C/raxmaan Al-Taani la qaadan doono xoghayaha arimaha dibadda Mareeykanka Rex Tillerson ayaa imanaya maalmo yar kadib markii xukuumadda Qatar ay heshay warqad uga timid dalalka Baxrayn, Masar, Sacuudiga iyo isu tagga Imaaraadka, taa oo ay kusoo bandhigeen qodobo ay shuruud uga dhigeen wadahadallo ay la galaan Qatar.

Shuruudaha ka kooban 13-ka qodob ee ay dalalkaasi ku xireen Qatar ayay sheegeen in fulintooda ay horseedi doonto in la soo afjaro xanibaadda dhanka diplumaasiyadda iyo ganacsiga ee mudada sedexda todobaad saaran dalkaasi.

Wareeysi uu tv-ga France 24 qeybtiisa carabiga la sheegay wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Qatar ayuu sheegay dowladda Qatar ay had iyo jeer u hogaansantahay shuruucda caalamiga ah ayna door muhiim ah ka cayaartay dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ee dalalka Iraaq iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Afar dale ee carbeed ayaa sheegay horaantii bishan in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar, ayagoo ku eedeeyay in ay taageerto kooxo xagjir ah, wallow Qatar ay arintaasi beenisay.
Tillerson ayaa ku baaqay in xal siyaasadeed laga gaaro xiisadahaasi, isagoo xusay in Mareeykanku kaalin ka qaadan doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha u dhexeeya dalalka Carbeed.

Dalka Qatar ayaa martigeliyay saldhigga ugu weyn ee Mareeykanku ku leeyahay gobolka, waxaana labadaasi dal ka dhexeeya xiriir wanaagsan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.