4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 27, 2017
Maxkamadda Sare ee Mareeykanka oo ogolaatay amarkii Trump dalkaasi uga mamnuucay dalal Muslim ah
Talaado, June, 27, 2017 (HOL) -Maxkamadda ugu sareeysa dalka Mareeykanka ayaa sheegtay in ay ogolaatay qeyb kamid ah amarradii uu madaxweeynaha dalkaasi Donald Trump uga mamnuucay lix dal oo Muslim ah in ay galaan dalkaasi iyo weliba in si KMG ah loo hakiyo qaxootiga dalkaasi geli jiray.

Maxkamadda sare yaa arintan ku dhawaaqday Isniintii in amarkaasi dhaqan galayo inta ay maxamaddu ka baaraandageeyso Sharci ahaanta amarkaasi.

Arintan ayaa guul u ah xizbiga garabka midig ee hogaanka dalkaasi haya, kaa oo ku adkeeysanayay in mamnuuciddu tahay mid muhiim ah sugidda amniga qaranka, inkastoo ay jireen dhaleeceyn loo jeedinayay Mareeykanka oo ku saabsan in uu ku xadgudbay dastuurka dalkaasi islamarkaana si gaar ah u bartilmaameedsaday dalalka Muslimka ah.

Dhacdadan ayaa timid ayadoo maxkamadda hoose ee dalkaasi ay hore u mamnuucday amarkii madaxweynaha dalkaasi ku mamnuucay dalalkaasi Muslimka ah, taa oo keentay in aqalka cad uu racfaan qaato.

Amarka kasoo baxay Maxkamadda ayaa mudo 90 maalmood ah lix dal oo Muslimiinta ah oo ay Soomaaliya ku jirto ka mamnuucaya in ay u safraan dalkaasi, waxaa sidoo kale mudo 12 maalmood ah lagu hakiyay qaxootigii geli jiray dalkaasi.

Maxkamadda ayaa dhinaca kale sheegtay in amarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin ajaanibta dalalkaasi ee Mareeykanka la leh xiriirrada ay kamidka yihiin Shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda ku noolyihiin Mareeykanka.

Madaxweynaha Mareeykanka Donald Trump oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda ka qaadatay amarka uu soo saaray ayaa tilmaamay in ay tahay guul usoo hoyatay Mareeykanka, isagoo xusay in xayiraadda la saaray dalalkaasi ay mareeykanka ka hor istaagi doonto Qatar halis ah oo uga imaneeysay dalalkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.