Kalluumeysato Ajaanib ah oo si sharci darro ah uga jalaabanayay xeebaha J/hoose oo xabsiga la dhigay
Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ilaa sideed nin oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Iiraan, lixda kalena ay u dhasheen Hindiya islamarkaana sitay doono nooca kalluumeysiga ayaa shalay gelinkii danbe lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.
Raggan oo ay doonidii ay ku kalluumeysanayeen kula caarisay Jaziiradda Kudhaa oo qiyaastii 160 km dhanka koonfur galbeed kaga beegan Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka deegaankaasi, waxaana intaa kadib loo soo gudbiyay ayaga iyo doontoodiiba dhanka magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Axmed Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggani ay u xaqiijiyeen in mudo afar bilood ah ay si sharci darro ah uga kalluumeeysanayeen xeebaha gobolka, islamarkaana doonidii ay wateen uu saarnaa kalluun gaaraya 300- oo ton.
Taliyaha Booliska gobolka J/hoose Max'ed Naasir Guuleed oo lagu wareejiyay raggan gacanta lagu soo dhigay ayaa sheegay in ay xabsiga dhigayaan, laguna qaadi doono danbiga ay galeen ciqaabtiisa.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa ayadoo dhawaan xukuumadda dalka Hindiya ay ansixisay heshiis ay la galeen dowladda Soomaaliya oo qorayay in Maxaabiiista ay kala qabtaan labada dal ee danbiyada gala ay is weeydaarsadaan si loogu maxkamadeeyo mid kasta dalka uu kasoo jeedo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Ra’iisal wasaare Kheyre oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee degmada Wadajir
- Puntland oo magaalada Bosaaso ku soo Bandhigtay rag ka soo goostay Daacish
- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo xilka ka qaaday wasiirkiisii Maaliyada
- Warbixin & Sawirro : Khasaaraha weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir
- Faah faahin : Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada Wadajir
- Qarax xooggan oo ka dhacay degmada Wadajir
- Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay daabacaadda buuggaagta manhajka waxbarshada Soomaaliya
- Khayre: Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada Amniga oo gacanta ku soo dhigey madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee G/Benadir
- Farmaajo oo damaanad qaaday nolosha carruur agoon ah oo ku xareysan xarun ku taalla Afgooye
- Wasaaradda A. Dibadda Qadar: Wax wadahadal ah ma galeeyno ilaa Go'doominta nalaga qaado
- Maamulka Puntland oo sheegay in la bur-buriyay saldhigyo Al Shabaab ay leeyihiin



