10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 2 , 2017
Ganacastada isticmaasha dekedda Muqdisho oo looga digay xiliga bad xiranka

 

Jimco, June, 02, 2017 (HOL) –Wasaarrada dekeddaha iyo gadiidka Badda ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in la gaaray xiligii bad xirinka, iyadoo dhinaca kalana u digtay ganasatada iyo Maraakiibta isticmaasha dekedda.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayeey uga digtay wasaarrada in ay isticmaalaan Maraakiibta iyo Doonyaha yar yar, si aysan nafsadooda iyo hantidoodaba halis u gelin.

Maxamed Cismaan Cali Dhagax –Tuur oo ah agaasimaha guud ee wasaarrada dekeddaha iyo gadiidka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in la gaaray xilliga bad xiranka, Maraakiibta iyo Doonyaha yar yar aysan mari karin Bad weynta Hindiya.

Waxaa uu intaa ku darray in looga baahan yahay ganacsatada iyo Maraakiibta in ay muujiyaan waqtigan foojignaan dheeraad ah madaama dhibaato laga yaabo in ay kala kulmaan dabeylaha dhacaya si looga badbaado bur bur hantiyeed iyo khasaare ka dhasha dableylaha.

Sanadkasta xilligan oo kale waxaa Badda ka dhaca dabeylo waa weyn kuwaasi oo ka imaanaya Koonfur Galbeed, islamarkaana u dhaca waqooyi Bari.

Dekedda Muqdisho ayaa ah isha dhaqaalle ee ugu weyn dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana digniintan ay soo saartay wasaarrada hakad galin doontaa wati kooban dhaqdhaqaaqa dekedda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]