Muuqaal: Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Amniga iyo Difaaca oo amaanay howlgalka Xasilinta

/images/2017/jun/ 
Jimaco, June, 16, 2017 (HOL)- Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u amaanay hawlgallada ay Ciidammada dowladda ay ku xasilinayaan amniga Caasimadda Muqdishu.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa kormeer u kuurgelid ah ku tegay xarunta dembi baarista Ciidammada Booliiska ee CID.

Kormeerka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayay Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha Shacabka, waxaana halkaasi ay warbixinno kaga dhageysteen Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Dhinaca kale Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay iney soo nooleyso nidaamka xaq siinta ciidammada ee u naafoobay difaaca Qaranka iyo daryeelidda carruurta agoonta ah taasi oo ku cad sharci NO 8 ee soo baxay 30kii Maarso 1965.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta qaar ayaa aad u bogaadiyay howlgallada, waxaana ay soo jeediyeen in la laba laabo howgallada. 

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad.


 
Hassan Istiila, Hiiraan Online,
[email protected]
Mogadishu,Somalia