Maamulka G Banaadir oo mamnuucay lacagihii laga qaadi jiray dadka u dalxiis taga Beer Nabada
Jimco, July, 07, 2017 (HOL) –
Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo lacagaha laga
qaado dadka u dalxiis taga Beer Nabada, waxaana uu intaa ku darray in laga
bilaabo maanta dadku si lacag la’aan ah u tagi karaan Beerta.
Beerta Nabada ah oo dhul dowladeed ayaa dhinaca kale waxaa maalgaliyay
ganacsato Soomaaliyeed oo halkaa ka sameysay xarumo kala gadisan oo dadku u damaashaad
tagaan, waxaana qof walba laga qaadi jiray lacag u dhaxeysa $1-2 doolar.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir CabdiFitaax Cumar Xalane ayaa
warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ku wargaliyo
shacabka Muqdisho in ay si bilaash ah ama lacag la’aan ah ku gali karaan gudaha
Beer Nabada.
Wali ma jiro wax war h oo dhinacooda ka soo baxay ganacsatada maalgalisay
dhulka oo kulan a ay la qaateen maamulka gobolka Banaadir la sheegay in aan
leysku afgaran.
Afhayeenka ayaa mar la weydiiyay sida laga yeelayo amniga Beerta
Nabada mar haddii dadka loo fasaxay in ay si bilaash ah [Lacag la'aan] ah ku gallaan, waxaa
uu sheegay in amniga laga shaqeyn doono.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo dhawaan booqasho ku
tagay Beerta Nabadda ayaa sheegay in Beerta aysan aheyn goob ganacsi balse ay
tahay Beer Nabadeed oo loo soo damaashaad tago.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]