
Arbaco, July, 05, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarrada maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo ka hadlay qalalaasaha ka taagan shilling Soomaliga, ayaa sheegay in shacabku ka cabanayaan lacago been abuur ah oo la soo daabacay.
‘’ Cabashooyinka aan hada maqleyno waa in lacago cusub oo la soo daabacay ay dadku ka biyo diidan yihiin, Annaga lafirkeena waa ka biyo diidannahay waxaan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa soo daabacaya lacagtan waa in ay ka waantoobaan ficiladan oo shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo waana nasiib daro talaabooyinka noocaan ah”ayuu yiri wasiirka maalliyadda Soomaaliya.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in daabacaada lacagahan ee sharci darada ah ka mid tahay dambiyada la gallo kuwooda ugu waaweyn ee lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana ka dhalan kara sida uu hadalka u dhigay xukunno ilaa heer dil gaarsiisan.
Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay qorshaha dowladda ee la xiriira arintan ayaa sheegay in ay waajib tahay in la soo daabaco lacag cusub dowladdana arintaa ka shaqeyneyso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]