4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Faah faahin ku saabsan shaqaale Samafal oo lagu afduubtay gobolka Hiiraan

 

Jimco, July, 21,2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya afduubka saddex dumar ah oo ka tirsanaa hay’ad maxali ah oo ka shaqeysa arimaha miino baaridda oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ka qafaasheen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa waabarigii hore ee Jimcihii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen deegaankaFar-libaax oo qiyaastii 45 km dhinaca waqooyi galbeed ka xiga magaalada Baledweyne.

Iska hor-imaad kooban oo goobta ka dhacay, ayaa waxaa lagu dilay nin ilaalada shaqaalaha hay’adda ah iyo qof shacab ah, ilaa seddex qof oo kalana waa lagu dhaawacay.

Kooxda weerartay deegaanka Far-libaax waxaa ay hore u kaxeysteen laba gaari oo mid ka mid ah ay lahayd hay’ada gabdhaha laga qafaashay, mid kalena uu lahaa NGO ka shaqeeya arrimaha caafimaadka deegaanka.

Laakiin Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay in ay weerartay saldhig ay ciidamada Liyuu Boolis ku lahayeen deegaanka Far-Libaax.

Ilaa iyo hadda wax war ah ka soo bixin maamulka gobolka Hiiraan oo la xiriira afduubka shaqaalaha samafalka ee ka dhacay Farlibaax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]