4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Ragga ka Yar da’da 50 sano oo laga mamnuucay in ku tukadaan Masjidka Al-Aqsa

 

Jimco, July, 21,2017 (HOL) – Booliiska dalka Israa’iil ayaa ka mamnuucay in ay salaada Jimcaha ku tukadaan Masjidka AL-Aqsa ragga da’doodu ka yar tahay 50 sano, taasoo macnaheedu yahay in masjidka loo ogol yahay oo kaliya dadka da’doodu intaa ka weyn tahay.

Saraakiisha ayaa sheegay inay filayaan dibadbaxyo ballaaran oo maanta ka dhaca masjidka, oo dhawaan booliiska ay ku dhejiyeen qalabka dadka la dhex marsiiyo ee amni, kaddib markii laba sarkaal oo booliis ah lagu dilay weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo carab ah.

Afhayeen u hadlay booliiska Israel, Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in ciidamo xoojin ah lagu daad-gureeyey hareeraha dhismaha barakeysan.

Bayaan ka soo baxay booliiska ayaa lagu yiri “Gelitaanka dhismaha barakeysan waxaa lagu xadidi doonaa ragga jira 50 sano iyo wixii ka weyn. Sidoo kale dhammaan haweenka oo idil waa u fasax”.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]