4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Mukhtaar Rooboow oo iska diiday codsi uga yimid Al-shabaab

 https://hiiraan.com/images/2017/July/

Jimco, July, 21, 2017 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur ayaa la sheegay in uu iska diiday codsi uga yimid xoogagga Al-shabaab oo ka dalbaday in marka kale uu ku soo biiro ururka, kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ka qaadeen xayiraadii saarneyd.

Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka codsadeen Mukhtaar Rooboow in uu dib ugu noqdo kooxda, hasse ahaatee uu arintaa ka soo horjeestay.

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Rooboow oo ku dhaw degmada Xuddur ee gobolka Bakool.

‘’Waxaa nagu maqaalo ah in Al-shabaab ay ku cadaadinayaan Mukhtaar Rooboow in uu mar kale ku soo laabto ururka isagana uu ka diiday, arintaas ayaa shaki badan nagu heysa, waxaana deegaanka uu ku sugan yahay ku hareereysan xoogag ka tirsan Al-shabaab’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xuddur.

Al-shabaab ayuu sheegay in ay shaki badan ka qabaan Mukhtaar Rooboow in uu ku biiro dhinacyo kale taasoo caqabad ku noqon karta joogitaankooda deegaanka.

‘’Hadalkii madaxweynaha Koonfur galbeed iyo dowladda Soomaaliya arimahaas ayeey ka shakisan yihiin, sidaa daraadeed cadaadis ayeey ku hayaan ah in uu mar kale ku soo biiro’’ ayuu yiri intaa raaciyay Maxamed Macallin.

Guddoomiyaha aya sheegay in ilaa iyo hadda uusan jirin xiriir toos ah oo dhaxmaray isaga iyo Mukhtaar Rooboow, laakiin mar walba ay ku shaqeyn doonaan go’aanka maamulka Koonfur galbeed uu ka qaato arintaas.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa horay u sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Mareykanka ee xayiraada looga qaaday Mukhtaar Rooboow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]