3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Farmaajo oo sheegay in guddi xaqiiqa raadin ah loo diri doono degaanka Xeraale oo uu dagaalka ka dhacay

 
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka degaanka Xeraale ka dhacay ayaa waxaa uu u dhexeeyaa dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna.

“Waxaa saacadihii lasoo dhaafay agagaarka degaanka Xeraale ka dhacay colaad iyo dagaallo, waa arrin fool xun, waa nasiib darro, wax loo dulqaadan karana ma ahan,  waa in si dhaqsi ah loo joojiyaa colaadaasi.”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Farmaajo waxaa uu tacsi u diray dadkii ku geeryooday colaada waxaana kuwii ku dhaawacmay uu Alle uga baryay in ay caafimaadaan.

“Dowladda uma dulqaadan karto in colaadaasi ay socoto, goobaha colaadaasi ay ka dhacday waxaan u diri doonaa guddi xaqiiqa raadin ah, kuwaas oo soo baari doona sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka”, ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayeey dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan waxaana inta la og-yahay ilaa hadda ku dhintay 10 ruux halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay in ay ka danbeeyaan ururka Ahlu -Sunna Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
7/21/2017 3:53 PM EST
Jimco, July, 21,2017 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in tiro ka badan 20 ruux ku dhinteen dagaal bilaawday Khamiistii shalay.

7/21/2017 9:40 AM EST
Jimco, July, 21,2017 (HOL) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya afduubka saddex dumar ah oo ka tirsanaa hay’ad maxali ah oo ka shaqeysa arimaha miino baaridda oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ka qafaasheen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

7/21/2017 8:38 AM EST
Jimco, July, 21,2017 (HOL) – Booliiska dalka Israa’iil ayaa ka mamnuucay in ay salaada Jimcaha ku tukadaan Masjidka AL-Aqsa ragga da’doodu ka yar tahay 50 sano, taasoo macnaheedu yahay in masjidka loo ogol yahay oo kaliya dadka da’doodu intaa ka weyn tahay.

7/21/2017 6:23 AM EST
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) –Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur ayaa la sheegay in uu iska diiday codsi uga yimid xoogagga Al-shabaab oo ka dalbaday in marka kale uu ku soo biiro ururka, kaddib markii dhawaan dowladda Mareykanka ka qaadeen xayiraadii saarneyd.

7/21/2017 5:28 AM EST
Jimco, July, 21. 2017 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan iyaga oo dil iyo afduub u geystay shaqaale ka tirsanaa hay’ad samafal.

7/21/2017 3:04 AM EST
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) -Xasan Macalin Yuusuf waa muwaadin Soomaali ah oo kunool xaafadda Buula-Xuubeey ee dagmadda Wadajir, wuxuu halkaas dagan yahay mudo dheer waxaana uu asbuucan la kulmay sheeko isagu uu qaadan waayay hadana dhinaca kale uu ku tijaabiyay halka ay maanta joogto Dowladnimada Somalia.

7/21/2017 2:11 AM EST
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) -Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradda Gargaarka iyo arrimo kale.

7/21/2017 2:01 AM EST
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa gelinkii dambe ee shalay shaacisay Natiijada Imtaxaanadkii shahaadiga ee Dowladda.