4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2017
Dagaal 5 ruux ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Galgaduud

 

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna uu ka dhacay deegaanka Xeraale iyadoo dagaalkana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal oo ahaa mid culus ayeey dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan waxaana inta la og-yahay ilaa hadda ku dhintay shan ruux halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay in ay ka danbeeyaan ururka Ahlu -Sunna Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

Dagaalka ayaa soo gaaray illaa gabbal-dhacii caawa, balse waxaa socda dadaalo ay wadaan duqeyda iyo waxgaradka deegaanka Xeraale oo ay ku xoogan yihiin ururka Ahlusunna in ay ku joojiyaan dagaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]