4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2017
Al Shabaab oo soo bandhigtay Sarkaal ay sheegeen inuu Jubbaland ka soo goostay

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen in uu kasoo goostay ciidamada maamulka Jubaland ee Soomaliya.

Sarkaalka ayaa waxaa magiciisa ay ku sheegeen Col. Yaasiin Fiilo, waxaana la socday saddex askari oo ilaalo u aheyd.

Maamulka Jubaland wali kama uusan hadlin warka kasoo yeeray Al Shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysan oo Al Shabaab ay soo bandhigaan askar ay ku sheegeen in ay soo goosteen balse dowladda Soomaaliya ayaa inta badan beenisa sheegashada Al Shabaab.

Dhinaca kale Bishii April ee sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey dagaallamayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

"Waxaan cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan'' ayuu yiri madaxweynaha oo ku labisnaa dareeska ciidammada.

 

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalladda Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay daryeel u fidin doonto dagaalamayaasha ka tirsan kooxdan ee isku soo dhiibo muddo laba bilood gudahood.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia