4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 20, 2017
Ciidamo military ah oo la wareegay saldhiga booliiska degmada Beledweyne

 

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) - Ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta saldhiga booliiska degmada Beledweyne kaddib iska horimaad kooban oo barqanimadii maanta dhacay.

Ciidamadan ayaa ka hor inta aysan gudaha u galin saldhiga waxaa ay rasaas is-weydaarsadeed ciidamo ka tirsanaa booliiska dowladda Soomaaliya hasse ahaatee markii danbe isaga baxay saldhiga mana jirto cid wax ku noqotay rasaasta labada dhinac ay is-weydaarsadeen.

Aritan ayaa ka danbeysay khilaaf labadii maalmood ee la soo dhaafay ka taagnaa hogaanka booliiska degmada Beledweyne oo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle oo la sheegay in mid walba dhinaciisa uu soo magacaabay taliye cusub.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in ay saldhiga kala wareegeen ciidamo booliis ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

‘’Saldhiga waxaa la wareegay ciidamo booliis iyo militari isku dhaf ah kadib markii shaqsi sheegtay in ay soo magacaawday dowladda dhexe uu la gallay maleeshiyaad ay isku heyb yihiin sidaa daraadeed ma jiro iska horimaad dhaxmaray ciidamada militariga iyo ciidamo ka tirsan booliiska dowladda Soomaaliya oo aan ognahay’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Marka laga soo tago hadalka guddoomiyaha wali ma jiro wax war ah oo dhinacooda ka soo baxay saraakiisha ciidamada militariga iyo booliiska ee ku sugan degmada Beledweyne.

Sidoo kale nooma suurtalin in aan helno taliyaha la sheegay ay soo magacaawday dowladda dhexe ee maanta lagala wareegay saldhiga.

Arimahan oo dhan ayaa imanaya xili magaalada Beledweyne uu ku sugan yahay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosbole oo aan wali dhinaciisa ka hadal dhacdadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]