3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2017
Dalalka go’doomiyay Qatar oo u muuqda kuwo mowqifkoodii hore ka soo dabcay

 

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) – Dowladdaha Carbeed ee go’doominta saaray dalka Qatar ayaa hadda u muuqda kuwo ka soo dabcay mowqifkoodii hore, iyaga oo wax ka badal ku sameynaya sharuudihii ay horay u soo bandhigeen.

Diblomaasiyiin ka kala tirsan dowladdaha Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo mugweyn.

Qodobadan ay sheegeen waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah.

Qatar oo beenisa in ay argagixisada taageerto ayaan iyadu markiiba ka jawaabin hadalkan diblomaasiyiintu sheegeen.

Waxay sidoo kale ganafka ku dhufatay qodobadii ay u soo jeediyeen dalalkaasi oo ay ku sheegtay in ay halis ku yihiin qarannimadeeda ama ay xad gudub ku yihiin xeerka caalamiga ah, waxaanay sidoo kale dhaleecaysay "go'doonka" ay geliyeen dalalka la olloga ahi.

Warbixintooda ayeey ku sheegeen diblumaasiyiintan in ay doonayaan in xiisadda lagu dhameeyo si hoose.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya QM, Cabdullah Al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 July "waana kuwo u fudud Qatar oo ay aqbali karto" ayuu yidhi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/20/2017 1:03 PM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna uu ka dhacay deegaanka Xeraale iyadoo dagaalkana uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

7/20/2017 8:47 AM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigtay sarkaal ay sheegeen in uu kasoo goostay ciidamada maamulka Jubaland ee Soomaliya.

7/20/2017 8:10 AM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) - Ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku heynta saldhiga booliiska degmada Beledweyne kaddib iska horimaad kooban oo barqanimadii maanta dhacay.

7/20/2017 6:55 AM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-gobolleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato xal u helista diidmada lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

7/20/2017 3:40 AM EST
Khamiis, 20, 2017 (HOL)- BBC-da Laanta Af Sooomaaliga ayaa lixdan jirsatay, waxaanay munaasiiba balaadhan loogu qabtay magaaladda Hargeysa oo ah halkii ay barigii hore ka unkatay 1957/7/18.

7/20/2017 3:36 AM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Xasan Cali khayre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso soo saarista lacago cusub oo dalku yeesho.

7/20/2017 2:19 AM EST
Booliska sidoo kale waxaa magaca qofka shanaad ay ku sheegeen Suleymaan, kaas oo ay ku eedeeyn in uu kamid yahay koox ay kamid yihiin Xabiibo, Maalim Sakariye iyo Jureij, oo iyagana ay baadi goobanayaan ciidamada sirdoonka Kenya.

7/20/2017 1:44 AM EST
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakadda Al Shabaab.