4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 20, 2017
Ra’iisul wasaare Khayre oo sheegay in dowladda ay qorsheyneyso soo saarista lacago cusub

 

Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudan Xasan Cali khayre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso soo saarista lacago cusub oo dalku yeesho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkaasi ka sheegay mar kormeer  shaqo uu ku tagay Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa maamulka  Bankiga dhexe ee Soomaaliya  kala hadlay  soo saarista  lacag cusub oo dalku yeesho , tayeynta  shillinka Soomaaliga iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo dhibaatadda  dhaqaale ee ka dhalan karta  adeegsiga lacagaha  been abuurka ah  ah.

Sidoo kale intii uu kormeerkiisa ku jiray Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tagay Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta halkaasi oo warbixin kaga dhageystay mas’uuliyiinta wasaaradda taasi oo ku saabsan sida ay u socdaan howlaha wasaaradda.

Qorshaha soo saarista lacagta cusub ee dowladda ay wado ayaa kusoo aadeysa xili degaanno kamid ah Galmudug, Puntland iyo Gobolka Hiiraan, ay ka shaqeyn weysay dhawaan lacagta Shilinka Soomaaliga.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia