4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 20, 2017
Dowladda Kenya oo sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab

 
Khamiis, July, 20, 2017 (HOL) –Ciidamada difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakadda Al Shabaab.

Xasan Isxaaq Ibraahim, oo ahaa mas'uulka Al Shabaab ee degaanka Gelef ee Soomaaliya ayaa waxaa lala dilay laba kamid ahaa ilaaladiisa gaarka aheyd, kadib markii howlgal wadajir ah ay qaadeen ciidamada KDF-ta dalka Kenya iyo kuwa maamulka Jubaland ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay aaminsantahay in Xasan Isxaaq uu ka dambeeyay afduubka gaari Miraa Vehicle, kaas oo dhawaan laga soo afduubtay degmadda Dhobley.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in Xasan uu maleegayay weeraro lagu qaado gudaha dalka Kenya.

Qori nooca AK-47, bambo-gacmeed iyo telephone, ayaa laga helay halkii lagu dilay Xasan, waxaana meydkiisa lagu soo bandhigay degmadda Dhobley shalay oo Arbaco aheyd, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay madaxda ciidanka KDF.

18-kii Bishan July,  diyaaro dagaal oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa dowladda Kenya ayaa duqeyn ka geystay degaanka Galashuunbi oo galbeed kaga beegan magaalladda Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose.

Maalmihii lasoo dhaafay Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa duqeymo ka fulinayay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, sida saraakiil ay sheegeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia