4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Madaxweyne Xaaf oo beeniyay in uu Nairobi kula shiray saraakiil ka tirsan Imaraadka iyo Qatar

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo ku saabsanaa in madaxweyne Xaaf Nairobi kula shiray saraakiil ka tirsan Imaaraadka iyo Qatar.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah, hasse ahaatee Nairobi isku soo arkeen saraakiil ka tirsan hay’addaha QM iyo deeqbixiyayaasha sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka u dhexeeya xulufada uu horkacayo Sacuudiga iyo dowladda Qatar ayaa marka dhinac laga eego u muuqda mid saameyn ku yeeshay siyaasada Soomaaliya tan iyo markii ay dowladda federaalka mowqif dhaxdhaxaad ah iska taagtay khilaafka dhax jira wadamada Carabta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo magaalada Cadaado, si uu u sii wado howlaha shaqo ee u yaalla.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]