4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Safiirka Biritan ‘’ Soomaaliland uma aqoonsanin dal madaxbannaan’’

 Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya David Concar oo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay arimo badan oo quseeya  amniga, musuqmaasuqa, burcad baddeeda iyo mowqifka Britain ee  Soomaaliland.

Mar uu soo hadal qaaday mowqifka Britain ee la xiriira Soomaaliland iyo gooni isku taageeda ayuu sheegay in UK iyo aduunka intiisa kale Soomaaliland marnaba u aqoosaneyn dal madaxbanaan oo xor laakiin ay ixtiraamayaan nabad-galyada ka jirta halkaa.

‘’Sida aad og-tihiin ma aqoonsanin dalal badan oo kalana uma aqoonsana Soomaaliland dal xor ah oo madaxbanaan, laakiinse waan la dhacsannahay, waanan taageersannahay, Annaga oo sameyn doonna wax kasta oo horay u marinaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland’’ ayuu yiri safiirka.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in Soomaaliland la yeelato xiriir wax dhisaya gaar ahaan arimaha quseeya waxbarashada, caafimaadka, sirdoonka iyo wixii la mid ah.

‘’Waxaa jira arimo badan oo aan wadahadal kaliya aheyn oo ay si ficil ah isaga kaashan karaan Soomaaliland iyo xukuumada fadhigeedu yahayMuqdisho'' ayuu yiri safiirka UK.

Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa siweyn ugu amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka muuqda oo ay ka sameysay sida uu hadalka u dhigay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]