4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo shirka midowga Africa uga qeybgallaya Addis Ababa

Axad, July, 02, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin midowga Africa, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.

Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday shirkan markiisii labaad, iyadoo horey shirkii ka dhacay Addis Ababa horaantii bishii tagtay June sidan oo kale uu ka qeybgalay ra’iisal wasaare Kheyre.

Safarka ra’iisal wasaaraha ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee uu dalka dibada uga anbabaxo, tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]