4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Soomaalida dagan Boston oo xustay 57 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyadda Soomaaliya


Axad, July, 02, 2017 (HOL) - Munaasabad si heer saro ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal-dagaayay Sannad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay markii gobolada koonfurta Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeytihii Taliyaaniga, iyo waliba israacii labada gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, ayaa ka dhacday magaalada Boston ee xarunta gobolka Massachusetts ee wadanka Mareykanka.

Munaasabada oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe), Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Aqoon-yahano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa waxaa looga hadlay qiimaha uu lahaa halgankii xoriyadda iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Jen. Indho Qarshe oo ka hadlay xafladaas, ayaa ku dheeraday ka hadalka qiimaha ay leedahay midnimada dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed iney ka qeyb qataan nabadda iyo xal u raadinta Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Boqor Cabdullahi Gurxan iyo Caaqil Maxamed Maxamuud Cismaan Dacar oo iyagana ka mid ahaa dadkii munaasabaad ka hadlay, ayaa ku dhiiri galiyay shacabka Soomaaliyeed iney ku dadaalaan soo celiyaan midnimadii iyo walaaltinimada ka dhaxeyso.

Intii uu kulankaas socday, ayaa dhanka qadka taleefoonka waxaa oga qeyb galay Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka Amb. Axmed Ciise Cawad oo munaasabada xoriyadda darteed ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Suldaan Mahdi Ahmed Ali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Soomaalida dagan Gobolada la isku dhaho New England, kana mid ahaa qaban-qaabiyaasha xaflada ayaa u sheegay Hiiraan Online in munaasabadu ay aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay, si wanaagsana ay ogu dhammaatay.

Ugu danbeyn Isbuucii aynu soo dhaafnay, ayaa inta badan dadka Soomaaliyeed waxey u dabaal-dageen 57 sano guuradii ka soo wareegatay Gugii Soomaaliya ay xoroowday ee 1960 iyo xusaska maalinta xoriyadda iyo midowgii Soomaaliya.

Munasaabadaha loo dabaal-dagay, ayaa kala ahaa 26 June oo gobolada Waqooyi ay madax-bannaani ka qaateen gumeystihii Ingiriiska iyo 1 Luuliyo oo xambaarsan labo munaasabadood oo kala ah, maalinta xornimada ay Koonfurta Soomaaliya ka qaadatay mustacmarkii Taliyaaniga iyo israacii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]

Atlanta, Georgia – Mareykanka