4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Baladweyne : Jahwareer ka dhashay isticmaalka lacagta Shiling Soomaaliga oo ka taagan magaalada

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Inta badan waxaa xiran dhaqdhaqaaqii ganacsiga magaalada Baladweyne kaddib is mari-waa ka dhashay isticmaalka lacagta shiling Soomaaliga oo ay ganacsatadu diideen in ay wax ku iibsadaan.

Arintan ayaa timid kaddib markii xarrakada Al-shabaab ay ka mamnuuceen deegaannada ay ka arimiyaan isticmaalka lacagta shiling Soomaliga.

Xoolaha iyo khudaarta loo Iib keeno magaalada ayaa inta badan ka yimaada ama soo mara deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, waan tan keentay in ganacsatadu ka biyo diidaan qaadashada lacagta shilin Soomaaliga madaama aysan dib ugula noqon karin deegaannada ay ka soo safreen.

Al-Shabaab ayaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka gobolka Hiiraan ka mamnuuceen lacagaha shilling Soomaaliga ee ka yimaada gobolada dhexe iyo Puntland.

Magaalada ayaa lagu waramayaa in ay soo galeen lacago badan oo shiling Soomaali ah oo ganacsatadu kala soo baxsanayaan Al-shabaab, taasoo keentay in sarifka $100 doolar gaaro wax ka badan 4,000,000 oo shilin Soomaali ah halka markii hore uu ka ahaa 2, 800, 000.

Subaxnimadii hore ee saakay ayaa la arkayay inta badan ganacsiga magaalada oo xiran iyo dadka oo wax iska weydiinaya isbadalka deg dega ee ku yimid shiling Soomaaliga oo ah lacagta kaliya oo dadku ay heli karaan gaar ahaan qoysaska danyarta oo ay ku adag tahay in ay doolar wax ku iibsadaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa amray ganacsatada qaadashada lacagta shiling Soomaaliga ah, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo lagu helo sarifka $100 doolar wax ka badan 2, 800, 000.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]