4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Al-shabaab oo la sheegay in ay qaraxyada u adeegsadaan hubkii ay ka qabsadeen ciidamada Kenya

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Baaritaan lagu sameeyay qaraxyada Al -shabaab ay ka geysato gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu ogaaday hubka ugu badan oo ay u adeegsadaan weerarada inay yihiin hubkii ay kooxdaasi ka furatay ciidamada AMISOM.

Greg Robin oo ka mid ah khabiirada dhanka Qaraxyada oo ka qeyb qaatay mashruuc baaritaan oo ay maalgelisay dowlada Ingiriiska oo lagu baarayey qalabka loo adeegsado qaraxyada ay Al shabaab fuliso ayaa sheegay in xog badan ka heleen Aaladaha iyo siyaabaha ay Al Shabaab u sameyso qaraxyada ay dadka badan ku disho.

Marka la eego qaraxyada iyo weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Koonfurta Soomaaliya gudaha Kenya intaba 60% waaa kuwo laga sameeyey hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha AMISOM’’ ayaa yiri Greg Robin.

Mr.Robin ayaa sheegay in Al Shabaab hub aad u badan ka heleen xeryihiin ciidamada Kenya oo ay weerareen sanadihii lasoo dhaafay, hubkaasina ay hada u adeegsadaan qaraxyada iyo miinooyinka.

Aalada wax qarxisa ee RDX- explosives oo sidoo kale loo yaqaan “cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyey hubkii ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM. Aaladan ayaa waxaa lagu sameeyaa dalka Britain waxayna ka xoog badan tahay aalada wax qarxisa ee TNT, sida uu sheegay khabiirkan.

Al Shabaab ayaa qarxiyayaasha u adeegsada Telefoonada gacanta iyo Car alarm, oo ay kusii xiraan batteriga bootooyinka ee 12V battery, fiilooyinka isku xira ayey inta badan ka keensadaan Yemen, ayuu yiri khabiiran ka qeyb qaatay baaritaano ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagu eegayey bambaanooyinkii loo adeegsaday weeraradii Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in Al-shabaab ay sanadkii hore 2016 laba jibaartay weerarada qaraxyada noocaan ah u adeegsadaan kadib markii ay hub badan ka furatay Amisom.

Khabiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan helin ama aysan jirin wax cadeyn ah oo muujineysa in Al Shabaab wax taageero ah ka hesho dalalka muslimiinta.

Waayadii hore Al Shabaab qaraxyada waxay u adeegsan jireen hubkii hore ee Soomaaliya balse miinooyinka iyo qaraxyada waayadan danbe waxay u adeegsadaan Aaladahan iyo hubka culus oo ay ka heleen xeryaha ciidamada Amisom.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]