4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Labo Suxufi oo lagu xiray magaalada Laascaanood

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga dhigay laba suxufi oo ka hawlgala magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Labadan suxufi oo kala ah Mawliid Ismaaciil Digeed oo TVga Somnews ka hawlgala iyo Maxamed Shaqalle Cashuur oo ah suxufi madaxbanaan ayeey ciidamada ka qabteen bartamaha magaalada iyagoo waqtigaa shaqo ku jirey soda ay HOL u sheegeen labada suxufi.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca booliiska iyo maamulka gobolka oo aan ka ahayn in ay baahiyeen warar ka hor imanayawadahadalada Soomaliland iyo Khaatumo.

Ururka suxufiyiinta gobolka ee Sool Media Association ayaa xariga labada suxufi ku sheegay mid xadgudub ah.

"Waxaa la xidhay laba suxufi, waxaana la sheegay in ay baahiyeen warar looga digey  in ay sii daayaan, taasoo u muuqata mid lagu cabudhinayo saxaafada xorta ah" sidaana waxa yiri C/raxmaan Cali Ducaale xog-hayaha ururka.

Xariga suxufiyiinta ayaa mudooyinkii u danbeeyey ahaa mid aan ka jirin gobolka Sool balse tani waxa ay dib u soo noolayn kartaa xiisado u dhexayn jiray waqtiyo dheer.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool