4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
In ka badan 26 Kun oo ardey ah oo u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ee Soomaaliland

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Goboladda iyo degmooyinka Soomaliland waxaaa si rasmiya uga bilaabmay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyadda sare iyo dugsiyadda dhexe.

Ardayda Imtixaankan u fadhiisanaysay ayaa noqonaysa [Lix iyo Labaatan Kun, Shan Boqol iyo Sideed iyo Konton Arday], kuwaas oo u kala baxaya, lix iyo toban kun iyo shan boqol waa dugsiyadda dhexe, halka dugsiyadda sare yihiin toban kun iyo sdeed iyo konton Arday.

Sidoo kale, ardaydaasi dugsiyadda ay ka kala yimaadeen ayaa dhan 121 dugsi oo dugsiyada sare ka kooban iyo afar noqol iyo saddex dugsiyadda dhexe ah.

Gudoomiyaha imtixaanka Qaran Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in sanadkan si weyn loo adkeeyey imtixaankii,isla markaana ardayda laga wacyigeliyey inay Moobilo usoo qaataan goobaha imtixaanka lagu gallayo.

Sidoo kale, Daa’uud Faarax ayaa sheegay in arday xabsiga dhexe ee Hargeysa ku jirtay loo ogolaaday inay iyaguna imtixaanka la fadhiistaan ardaydan, waxaanay imtixaanka ku galayeen xarunta imtixaanaadka qaranka oo inta dirayskii loo xidhay imtixaanka u fadhiisteen, waxaanu sheegay in marka imtixaanka dhamaystaan dib loogu celin doono xabsiga ay ku jireen.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne ayaa waalidka aad ugu adkeeyey in ay caruurtoodda ka ilaaliyaan wixii Qishka u fududaynaya, waxaanu sheegay in sanadkan hal ku dheg looga dhigay “Ardayahow ama Imtixaanka Ama Maboole-ka kala dooro.

“Waalidinta waxaan la socodsiinaya, Imtixaanku ma adkee Caruurta ka ilaaliya wixii laga mamnuucay ee qishka u sababaya, lacagta iyagoo kaash ah usoo dhiiba oo yaan Mobile loogu soo shubin”ayuu yidhi Wasiirka waxbarashadda Cabdilaahi Dheere.

Wasaaradda waxbarashadda ayaa sheegtay in sideedii subaxnimo hal mar loo wada qaybiyey Imtixaankii dhamaan goboladda oo dhan,isla markaana illaa hadda aanay wax carqalad ah laga soo sheegin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.