4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Michael Keating ‘’ Dowladda Soomaaliya wali waxaa hor yaala caqabado u baahan in laga gudbo

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Wakiilka xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Michael Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali heystaan caqabado waa weyn oo u baahan in laga taageero.

Micheal Keating ayaa sheegay in ay wali taagan yihiin muranka ku saabsan xuduudaha iyo isku dhacyadda bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladaha caalamka laga doonaayo in ay si dhaw ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Wakiilk ayaa qiray in Soomaaliya ay sanadyadii la soo dhaafay ay gaartay horumaro la taabankaro , inkastoo ay wali taagan yihiin caqabadihii ugu waa weynaa.

Waxaa uu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku jiraan Barakac ay sababeen Abaaraha iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada waa sida u hadalka u dhigay

Waxaa uu xusay Keating in bilaha soo socda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo la dagaalami doonto amni darada dalka ka jirta.

Danjire Keating ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga Shacabka iyo dowladda si looga gudbo caqabadahaasi

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]