4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Wararkii ugu danbeeyay dad lagu xir xiray deegaanka Warshuba ee gobolka Mudug

 

Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay deegaanka lagu magacaabo Warshuba oo ka tirsan gobolka Mudug.

Xiisadaan ayaa timid ka dib markii Al-Shabaab ay ku dhawaad 93 qof oo isugu jira odayaal, ganacsato iyo waxgarad ay ku xireen deegaanka Warshubo oo qiyaastii 90km dhanka galbeed kaga beegan degmada Xarardheere.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa dadkan ku eedeynaya in ay ku guuldaraysteen in ay ku wareejiyaan carruurtooda Al-Shabaab oo horey uga dalbatay in gacanta loo soo galiyo si ay madaaristooda waxbarashada u geeyaan.

Dad ku sugan deegaanka oo diiday in magacooda la soo xigto sababo amni darteed ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in halkaasi ay abaabul dagaal ka waddaan maleeshiyo hubeysan oo ku sugan miyiga degmada Xarardheere.

Al-Shabaab oo gacanta ku haya degaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyay ku cadaadinayay odayaasha qabaa’ilka in ay keenaan carruurtooda si loogu tarbiyeeyo afkaartooda, taasoo ay ku gacanseyreen dadka deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]