4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Qatar oo mar kale gaashaanka ku dhufatay dalabka dalalka Carabta

 Axad, July, 02, 2017 (HOL) – Dowladda Qatar ayaa mar kale gaashaanka ku dhufatay oo iska diiday dalab ay u soo bandhigeen xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga si xayiraada saran looga qaado.

Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabka uga yimid dhowr dowladood oo ka tirsan dalalka Carabta, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba ku dhacay.

Dalalka Carabta ee go’doominta ku haya Qatar ayaa soo bandhiga sharuudo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in Qatar xiriirka u jarto dowladda Iiraan, dhinaca kalana albaabada isugu dhufato TV caanka ah ee AlJazeera.

Balse Qatar si cad uma aysan muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xiray habkii lagu wada hadlilahaa, waxa keliya ee u bannaanina tahay in ay Qatar ku gacan sayrto.

Inkasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeerayeen madaxda caalamku oo ku baaqaya in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqaaqin.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maalgelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]