4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 2 , 2017
Ciidamada Kenya oo Dhalinyaro Somaliyeed kala dagay diyaarad u soo socotay Somalia



Axad,July, 02, 2017 (HOL) –Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa la sheegay in ay xireen dhalinyaro Somali ah oo la sheegay in ay ka yimaadeen qurbaha,kuwaasi oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimad-da Somalia.

Diyaarad-dan oo sidoo kale uu la socday madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in mudo saacado ah lagu hakiyay garoona diyaaradaha ee Joma Kenyatta , isla markaana lagala dagay shantan qof ee dhalinyarada ah.

Si rasmi ah looma sheegin wadanka ay ka yimaadeen , balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhalinyaradan laga shakiyay , xilli xayiraado dheeri ah la saaray dhalinyarada qurbaha ka imaanaya ,kuwaasi oo laga cabsi qabo in ay ku biiraan kooxaha argagaxisda ah.

Kenya ayaa gacanta ku haysa dhalinyaro badan oo Somali ah ,kuwaasi oo laga soo qab-qabtay xadka ay la wadagaan Somalia ,iyaga oo qorshaynaya in ay ku biiraan kooxda Al-shabaab oo dagaal kua jirta ciidamada Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ,kaasi oo la xiriira xarigan loo gaystay dhalinyaradan Somaaliyeed ,kuwaasi oo aan la shaacin magacyadooda iyo wadamada ay ka yimaadeen.

Faysal M. Hassan
[email protected]