4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Dowladda Soomaaliya oo loo soo gacan galiyay saddex ruux oo Tahriibinta dadka ka ganacsan jiray

 

Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) - Dowladda Suudaanta koonfureed ayaa saddex ka mid ah ragga Soomaalida ah ee ku lugta leh Tahriibinta dadka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Magafayaasha ee dadka u Tahriibiya Libya ku wareejisay dowladda Soomaaliya.

Raggan dowladda Soomaaliya loo soo gacan galiyay ayaa lagu kala magacaabaa Caydaruus C/llaahi Naxar, C.raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullaahi Xusseen.

Saddexdan Magafe ayaa Todobaadkii hor laga soo qabtay magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta Koonfureed, iyadoo la tixraacayo xogta laga helay ninkii ay la shaqeyn jireen oo isna horey sidan oo kale dowladda loogu wareejiyay.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya, kaasoo laga soo qabtay magaalada Jubba ee dalka Koofurta Sudan.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay bilihii la soo dhaafay laga tahriibiyay Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo tahriibintooda ka qeyb qaadan jireen shabakado dadka tahriibiya oo isku xiran, kuna sugan Soomaaliya, Uganda, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]