4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo furay wadada isku xirto isgoysyadda Bakaaraha iyo Black Sea

 

Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa furay waddo nadaafad daro u xirneyd 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa horaantii todobaadkii hore baldoosaro iyo gaadiid kale geliyay waddada Cirtoogte oo isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Mr Taabit oo saxaafada kula hadlay bartamaha waddadaasi ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay furitaanka waddadaasi laguna guuleystay sanado badan kadib.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada ku ganacsata hareeraha waddadaasi inaysan qashinka ku daadin hareeraha waddada, maadaama la doonayo in bilicdeeda lasoo celiyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa dardaaran u jeediyay ganacsatada Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in ganacsatada laga doonayo in ay ka qeyb qaataan Nadaafada Suuqa Bakaaraha isla markaana Maamulka gobolka kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa Suuqa.

Sida aad ka arki karto lifaaqa sawiradda ,wadadaan ayaa aheyd mid qashin u xiran iyo biyo wasaq ah oo fadhiyay waqti dheer, dhaqaatiirta Muqdisho ayaa horey uga digay cuduro ka dhasha qashinkii dhoobnaa wadadaas.

Taliska dhowaan galka ah ee Mr Tabid Cabdi ayaa u muuqdda mid waqti baddan galinaya bilicdda caasimadda iyo maamul ka jawaabaya soo jeedinta bulshadiisa.

Mustaf Hussien
Mogadishu,Somalia