4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Jen Cali Gaab’’ AMISOM oo muddo afar sano ah geysatay shan boqol oo shil

 

Arbaco, July,  19, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee caasimadda Muqdisho waxaa ay soo bandhigeen shilalka ay geysteen gaadiidka ciidamada dalka nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM.

Shilalka qaarkood waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac,dadka ugu badan ee saameysanta ay ku yeesheen waa shacab,sida u warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka.

“Afartii sano ee la soo dhaafay gadiidka ciidamada AMISOM  waxaa ay geyteen illaa shan boqol oo shil oo ay qaarkood dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen, waxaa jira dad badan oo aan wali helin wax mag dhow ah.” sida u sheegay taliyaa ciidamada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre oo loo yaqaan Cali Gaab.

Taliyaha ayaa sheegay shilalka gaadiidka AMISOM inuu ugu dambeeyay mid ka dhacay waddada Taleex,halkaas oo gaari kuwa howlgalka ka mid ah uu jiirey mooto bajaaj ah.

“Khasaaraha ka dhashay shilkii habeen ka hor ka dhacay waddada Taleex waxay keentay in Aniga iyo Guddoomiyaha Hodan in aan qeybsano oo aan bixino, kaddib markii in badan laga dooday.” ayuu yiri taliyaha oo ka hadlayey sida aysan mag dhaw u bixin ciidamada AMISOM.

Taliyaha ayaa ugu danbeyntii si adag u sheegay in AMISOM aysan sharciga ka weyneyn, isla markaana lagula xisaabtami doono dhib kasta oo ay geystaan, isagoo ugu baaqay dadka in aysan siyaasadeyn shilalka.

Hadalka taliyaha ayaa imanaya xili marar badan oo kala duwan gadiidka ciidamada AMISOM lagu eedeeyay in ay geystaan shilal kala duwan oo qaarkood dad ay ku dhinteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]