4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur-Africa

 
Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) –Dalka Koonfur-Africa ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay laba qof oo ganacsato Soomaali ah, sida warbaahinta dowladda Soomaaliya ay sheegtay.

Muwaadiniinta Soomaalidda ah ee dalkaasi lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacabaa, AUN Nuur Cismaan Nuur iyo Maxamed Xuseen Gacal.

AUN Nuur, ayaa waxaa goob ganacsi uu ku lahaa agagaarka Magaalladda Johannesburg ee dalka Koofur afrika. Sidoo kale AUN Cismaan ayaa waxaa isagana lagu dilay degaan u dhow xadka Koofur Afrika uu la wadaago wadanka Musanbiig.

Burcada Koonfur Afrikanka ah ayaa siyaabo kala duwan u beegsada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga u jooga dalkaasi.

Soomaalida ku sugan dalka Koonfur Afrika oo mar walbo cabsi ku joog ahaa ayaa aad uga baqaya in dhibaato kale ay soo gaarto.

Waxaa socda dadaallo ay wadaan Soomaalida oo ay ku doonayaan in dowladda Koonfur Afrika ay degdeg wax uga qabato dhibaatooyinkaan dhacaya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia