4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
IOM: 316 qof oo Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yemen ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya

 
Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) –316 qof oo muwadiniin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yeman ayaa dib ugu soo noqday dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka iyo soogalootiga Qaramada Midoobay ee IOM.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 maalmood gudahood Soomaalidaasi ay soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya.

IOM ayaa 18-ka bishan July magaalladda Cadan kasoo qaaday muwadiniin gaaraya 100 qof kuwaas oo ahaa kooxdii saddexaad oo Soomaali ah.

12-kii Bishan, 3 Bas iyo gaari ka mid ah kuwa gurmadka deg degga ah ayaa ka ambabaxay Magaalladda Sanca waxaana ay aadeen magaalada Cadan iyaga oo wada Soomaali 81 qof gaareysa. 

Waxaa ay kala ahaayeen 57 Rag ah, 25 Dumar ah, 5 Wiil iyo 3 Gabdhood,waxaana ugu dambeyn laga dejiyay Dekadda Magaalladda Berbera ee Soomaaliya. 

Bartamihii March 45 Somali ah ayaa ku dhintay kadib markii Doon ay la socdeen ay la kulantay Duqeyn ay u geysteen dhinacyada ku dagaallamaya Dalka Yemen. 
Lixdii bilood ee lasoo dhaafay 1,306 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa dalka dib loogu soo celiyay, waxaana soo celintaasi si wada jir ah uga qeyb-qaatay hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Socdaalka iyo soogalootiga Qaramada Midoobay ee IOM.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia