4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Maamulka degmadda Jalalaqsi oo ka hadlay go’doominta degmada ay ku jirto

 
Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) –Ibraahim Madoobe Nuur, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku nool degmadda ay heysato dhibatooyin adag oo dhinaca nolosha ah.

Degmada Jalalaqsi ayuu guddoomiyaha sheegay in ay go’doomiyeen Xarakada Al Shabaab.

“Waxaan dalbaneynaa in waddooyinka loo furo degmadda, si kaalmooyin loo soo gaarsiiyo dadka ku nool degmadda”, ayuu yiri.

Dhinaca kale waxa uu ka dalbaday Madaxda Qaranka in ay ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa Waddooyinka soo gala degmada iyo kuwa ka baxa si Bulshada Jalalaqsi uga baxaan dhibaatooyinka.

Nolosha ka dhex jirta degmadda ayaa ah mid aan la qiyaasi karin, waxaana sidoo kale adag nolshada.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa uu waday qorshayaal ay ku doonayeen in ay dib ugu furaan waddooyinka degmadda si gar-gaar loo garsiiyo.

Jalalaqsi waa degmo ku taala bartamaha-koonfureed ee Gobolka Hiiraan. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia