4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 19, 2017
Howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ka socda degamada Bardaale

 
Arbaco, July, 19, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab waxaa ay ka bilaabeen degaanno ka tirsan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Weedow Cali Xasan, Guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa warbaahinta u sheegay intii ay ku guda jireen howlgalka in ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, sida hadalka uu u dhigay.

Howlgalka ayaa dhinaca kale waxaa xooggiisa uu ka socdaa inta u dhexeysa Baydhabo iyo Bardaale.

“Mararka qaar dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa si dhuumaaleysi ah waxaa ay ku yimaadaan degaannada, balse ciidamada ayaa hela mararka qaar xog wanaagsan, kadibna waxaa ay sameeyaan ka hortag”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Weedow Cali Xasan, Guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Xarakadda Al Shabaab ayaa inta badan waxaa la sheegaa in saldhigyo ay ku leeyihiin degaanno ka tirsan koonfur-galbeed Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia