4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2017
CODEYN: Rag-ga Soomaaliyeed oo Noqday kuwa ugu Quruxda badan Qaarad-da Afrika

Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Somalia ayaa kaalinta koowaad ka gashay wadanka ugu rag qurxoon ka dib qiimayn lagu sameeyay rag-ga ku nool 54 wadan oo ku yaala qaarad-da Afrika ,waxaana si gaar ah loo soo soocay 10-ka wadan ee rag-goodu ay yihiin kuwa ugu qurxoon.

Qiimayntan ayaa wadamada laga sameeyay waxaa ku jira Algeria ,Koonfur Afrika iyo Somalia ,kuwaasi oo ku kala yaal dacalada Qaarad-da Afrika ,waxaana qiimayntan lagu saleeyay dhowr sharuudood oo lagu kala reebayay rag-ga xiligii xulista la waday.

Kaalinta 10-aad waxaa galay wadanka Ghana ,waxaana la sheegay in ay leeyihiin rag ixtiraam badan qadariya jacaylka ,wax kastana ka hormariya farxad-da qofka dumarka ah sidoo kale waxaa la sheegay in ay yihiin rag wax dhagaysta , isla markaana xiriirka ka door-bida Bangi ay lacagi ka buuxdo.

Wadanka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihin Madow iyo Cadaan-ba ayaa kaalinta 7-aad ka galay liiskan,waxaana rag-gooda loo tix-galiyaa in ay leeyihiin waji quruxoon oo soo jiidasho leh , halka wadanka Kenya oo isna galay kaalinta 9-aad la sheegay in ay leeyihiin rag dhaadheer oo qurxoon, mas’uuliyiin ah , isla markaana ah dad la fahmi karo oo shaqo badan.

Kaalinta labaad ee liiskan waxaa ku jira rag-ga Itoobiya oo la sheegay in ay ka dhasheen qaar kamid ah kuwa dunida ugu qurxoon ,waxaana la sheegay in ay yihin rag leh soo jiidasho ,waji qurxoon iyo muuqaal indhaqabad leh ,iyada oo taasi loo sababaynayo wadanka Yemen oo ay farac ku leeyihiin.

Kaalinta 1-aad oo ay Somalia gashay ayaa la sheegay in qofkii horey aan u arag rag-ga Somaliyeed uu marka koowaad ee uu arko uu indha-daraan-darayo ,waxaa loo tix-galiyaa quruxda wajiga iyo tilmaamaha goonida ah ee ay leeyihiin sida timaha jilicsan iyo kalarkooda oo la sheegay in uu yahay nooca ay reer galbeedku u yaqaanaan “Chocolate-ka’, waxaana dabeecad-da is-guursiga ay kala siman-yihiin Masaarida ,iyada oo wiilasha Somaliyeed ay kaliya door-bidaan gabdhaha Somalida ah.

Sababta loogu xushay kaalinta koowaad ayaa la sheegay in yihiin rag aysan saamayn ku yeelan xaalad-da dhaqaale ee ay markaasi ku jiraan ,waana kuwa jecel labiska iyo in aan laga dareemin duruufaha ku hareeraysan.

Ugu danbayn, liiskan ayaa lagu daabacay inta badan wargaysyada qaarad-da iyo kuwa caalamka ,waxaana uu ku soo beegmayaa ,iyada oo Somalia ay ka soo kabsanayso colaado saameeyay sagaashameeyadii , isla markaana ay noloshu caadi ku soo noqonayso.

Faysal M. Hassan
[email protected]