4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Axmed Cabdi oo Xil Sare uga Tartamaya Washington

 

Talaado, July, 18, 2017 (HOL) -- Gobolka Washington ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha November ee sanadkan.

Dadka tartankaasi ku jira waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deeggan gobolkaasi oo u tarmamaya mid ka mid guddiga 5-ta ah ee maamula garoonka iyo dekedda ee gobolkaasi, isagoo u tartamaya kursiga degaanka King County ee magaalada Seattle ee gobolkaasi.

Isaga oo ka hadlayay waxa ku qasbaya in uu u tartamo xilkan ayaa yiri’’ Magaaladan waxaay leedahay dekeda iyo Airport aad u weyn, haddii aynu nahay dadka African –ka ah ama Soomaalida waa meelaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha uu naga soo galo, sidaa daraadeed muhiim weyn ayeey inoo leedahay in aan u tartanno kursigan taas dardeed ayaa igu qasabtay in aan ka mid noqdo tartamayaasha’’ ayuu yiri Axmed Ismaaciil Cabdi.

Waxaa uu sheegay in tartanka uu ku jiro uu quseeyo labadaba dekedda iyo Airport oo leysku daray, madaama ayuu yiri Soomaalida halka ugu badan oo ay ka shaqeystaan ay tahay labada dhinac ee kala ah Dekedda iyo Airport.

‘’In Qof dadka ay garanayaan uu soo gallo gudiga maamula gobolkaas muhiimad weyn ayeey u leedahay dadka Soomaalida iyo Africaanka  intaba, madaama inta badan dadka qaarada ka soo jeeda iyo kuwa Soomaalida ay ka xoogsadaan ama ka shaqeystaan labada xarumood ee dhaqaalaha ugu badan uu ka soo gallo ee Dekedda iyo Airport’’ ayuu yiri Axmd Ismaaciil Cabdi.

Axmed waxa uu hadda ka mid yahay guddiga maamula guryaha ay ku nool yihiin qoysaska uu dhaqaalahoodu yar yahay ee Magaalada Seattle ee gobolkaasi.

Xigasho : VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]