4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2017
Madaxweynaha Puntland oo Aqbalay go'aanka Barlamaanka ee xasaanad kala noqoshada Golaha wasiirada


Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Balamaanka Puntland oo maanta kalfadhi loo  dhan-yahay ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumad-da uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,taasi oo shaqaynaysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo furay kalfadhiga ayaa goobto ka akhriyay qodobo dhowr ah oo mudnayaashu ay u cuskadeen kalsooni kala noqoshada golaha wasiirada Puntland.

Waxaa qodobada madasha lagu soo bandhigay kamid ahaa in xukuumadda madaxweynaha ay si rasmi ah ugu fashilantay arimo ay kamid-yihin amniga ,dhaqaalaha iyo musuq-maasuq la sheegay in uu hareeyay mashaariicda ka socda deegaanada Puntland.

57 Mudane  oo ka tirsan 66-da xildhibaan ee Puntland ayaa so xaadiray kalfadhiga oo la furay xilli hore oo saaka aroortii ah ,waxaana in xukuumadda in la rido u codeeyay 47 Mudane halka 9 xildhibaan ay ka biyo diideen go'aanka mudanayaasha.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay go'aanka barlamaanka Puntland ay ku kala direen golihii wasiirada, isaga oo sheegay in go'aanka ay qaateen uu yahay mid dastuuri ah oo aan khilaaf la galin karin.

"Sida aad lawada socotaan waxaa ay maanta oo talaado ah ay golaha baarlamaanka Puntland kala noqdeen xasaanadii golaha Xukuumadda Dowladda Puntland , taasi oo ah arrin Dastuuri ah oo waajibaad-kooda shaqo ah " ayuu yiri madaxweynaha.

"Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland " ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo ka gaabsaday in su'aalo dheeri ah arintan laga weydiiyo.

 Ugu danbayn, waxaa mooshinkan isaga aamusay hal mudane oo ka tirsan barlamaanka Puntland ,xilli eedaha loo soo jeediyay maamulka ay ku jiraan sicir barar iyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda oo aan si joogta ah loo bixin sida laga xusay goobta. 

Hiiraan Online News Desk