3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Uhuru Kenyatta oo sheegay in Al Shabaab la dilo kadibna la aaso

 
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –County-gga Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanayay bilihii lasoo dhaafay weerarada ay geysanayaan xarakadda Al Shabaab.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii shalay booqday Gobolka Lamu, waxaana uu ka bilaabay Ololaha uu ku doonayo in dib loogu doorto madaxtinimada dalkaasi.

Mr Uhuru, ayaa intii uu ku sugnaa Lamu waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan xarakadda Al Shabaab, waxaana uu u sheegay ciidanka KDF-ta Kenya in ay dilaan dabadeedna la aaso Al Shabaab haddii lagu arko degaannada Lamu.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa  sheegay in lagu guuleystay badbaadinta haweeney ay afduubteen Al Shabaab dhawaan.

Ciidanka dawladda Kenya ayaa soo badbaadiyey Ms. Marriam inkastoo kooxihii afduubtay ay ka qaateen gaarigii ay wadatay.

Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, kan Xeebta, waxaana dhacdooyinkii uga xumaa ee uga dambeeyey ay ka dhaceen deegaanka Lamu.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somali













Click here
7/18/2017 2:06 PM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Somalia ayaa kaalinta koowaad ka gashay wadanka ugu rag qurxoon ka dib qiimayn lagu sameeyay rag-ga ku nool 54 wadan oo ku yaala qaarad-da Afrika ,waxaana si gaar ah loo soo soocay 10-ka wadan ee rag-goodu ay yihiin kuwa ugu qurxoon.

7/18/2017 9:41 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL)- Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa si cad u sheegay in labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI jabiyeen xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen,isla markaana talaabooyin ka qaadi doonaan.

7/18/2017 9:35 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL)- Gobolka Washington ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha November ee sanadkan.

7/18/2017 4:42 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Diyaaro dagaal oo loo maleynayo in ay yihiin kuwa dowladda Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay degaanka Galashuunbi oo galbeed kaga beegan magaalladda Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose.

7/18/2017 4:18 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Balamaanka Puntland oo maanta kalfadhi loo dhan-yahay ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kalsoonidii kala laabtay xukuumad-da uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ,taasi oo shaqaynaysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

7/18/2017 2:29 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka ee Somaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sheegay in isbedel lagu sameyn doono ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

7/18/2017 1:27 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee shalay qarax miino lagula eegtay duleedka Magaallada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, sida dadka degaanka ay sheegeen.

7/18/2017 1:03 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

7/18/2017 12:55 AM EST
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar, ayaa magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay wasiirka wasaaradda Dulista Hawada dalka Kenya Mudane James iyo madaxa Civil aviation-ka dalka Kenya.