4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Faafaahin: AMISOM oo Qarax lagula eegtay duleedka Magaalladda Jowhar

 
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa gelinkii dambe ee shalay qarax miino lagula eegtay duleedka Magaallada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Kolonyada la weeraray ayaa kasoo tegay Garoonka Degmada Jowhar, waxaana ay ku sii jeeden xerada ay ku leeyihiin deegaanka Buurane, oo 20km dhinaca waqooyi kaga toosan magaallada Jowhar.

Dadka degaanka sidoo kale waxaa ay Hiiraan Online u sheegeen in ay jiraan khasaare gaaray ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxa lala eegtay ciidamada AMISOM.

Maanta ayaa la soo sheegayaa in ay degantahay xaaladda degaankii Qaraxa lagula eegtay ciidamada AMISOM. Sidoo kale ma jiraan war kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ee Soomaaliya.

Bishii May ee sanadkan Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ciidamo katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula beegsaday duleedka Magaalladda Jowhar.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia