4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 18, 2017
Kenyan Airways oo dhawaan duullimaad toos ah ka bilaabi doonto Muqdishu iyo Nairobi

 
Talaado, July, 18, 2017 (HOL) –Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar, ayaa magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay wasiirka wasaaradda Dulista Hawada dalka Kenya Mudane James iyo madaxa Civil aviation-ka dalka Kenya.

Mudane Oomaar, ayaa sheegay in ujeedada safarkooda ay tahay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen howlihii ay qabatay wasaaradda Duulista Hawada Kenya iyo sidii la isku dhaafsan lahaa fakradaha ku aadan amaanka garoomada diyaaradaha.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dedejin lahaa diyaarada Kenyan Airways oo dooneysa in ay duullimaad toos ah ka bilowdo magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Diyaarada Kenyan Airways, ayaa muddo duullimaad aan ku imaan magaalladda Muqdishu.  
Duulimaadyadii tooska ahaa ee magaallooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa 29-ka bishii March ee sanadkan si toos ah u billowday.

Isku furka duulimaadka labada magaalo ayaa ku yimid heshiis ay 23-kii bishas magaallada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia