4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Gaalkacyo: Ciidamo isku Dhaf ah oo laga soo kala xulay Puntland iyo Gal-Mudug oo Maanta tababar loo Furay (Sawirro)

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) -Tababarkan oo la siinayo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa waxaa daah-furay madax ka socotay labada maamul ,iyada oo ay goob-joog ahaayeen saraakil ka socotay QM iyo Midowga Afrika.

Ciidamada ayaa lagu wadaa marka ay tababarka dhamaystaan in ay ka qayb-qaataan sugid-da amniga magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Gal-Mudug.

Tababarkan oo ay bixinayaal barayaal ajnabi ah oo ka socda AMISOM ayaa waxaa taageeraya laanta booliska ee Qaramada Midoobay ,waxaana askartan oo isugu jira rag iyo dumar ay tiradoodu gaaraysa 50 askari.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo goobta ka hadlay ayaa ka codsaday labada dhinac in ay ka fogaadaan qabyaalad-da , isla markaana hadda wixii ka bilowday ay yihiin hal ciidan oo isku waajibaad ah.

"Meeshan waxaad ku fadhidaan ciidamo dowladeed ee qabiil kuma fadhidaan ,waxaana la idiin keenay dhib xagan taal iyo mid xagaa taal in aad xalisaan ee maahan mid cusub inaad idinku soo kordhisaan walaalo noqda ,waxaana idin sheegaya inaad isku cadow leedihiin dhamaantiin " ayuu yiri Eng. Camey oo goobta ka jeediyay hadal dar-daaran u badnaa.

Waxaa munaasabad-da sidoo kale ka soo qayb-galay gudoomiyayaasha heer degmo ee labada maamul, odayaal ,waxgarad iyo mas'uuliyiin ka socday beesha caalamka ,kuwaasi oo Gaalkacyo u yimid ka qayb-galka daah-furka tababarkan.

"Waxaan u baahan-nahay in inteena meesha fadhida aan gacmaha is qabsano isla markaana aan socod dheer ku dhex-marno magaalada ,una sheegno dadka in nabad la yahay walaalana la yahay " ayuu isna yiri madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug Maxamed Xaashi Carabey oo goobta ka hadlay.

Ugu danbayn ,Magaalada Gaalkacyo oo laba u qaybsan ayaa wajahaysa xaalado dhanka amniga ah ,waxaana sida la sheegay lagu wadaa in kulamo dheeri ah oo is-dhex-gal ah loo qabto labada dhinac si looga gudbo xaaladaha amni darro ee gobolka ka jira.

Faysal M. Hassan
[email protected]