4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Taageero loo muujiyay Gabar Soomaaliyeed oo dhiiragelisay waxbarashada iyo wax soo-saarka Beeraha

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Dhallinyaro iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa shalay ka qeyb-galay kullan lagu qabtay magaalladda Muqdishu, kaas oo lagu dhiiragellinayay dhallinyarada dalka dibadiisa wax ku baratay ee dalka dib-ugu soo noqday.

Kulanka ayaa si gaar ah waxaa taageero loogu muujinayay Aqoonyahanad Drs Ayaan Faarax Abuukar, oo dhawaan dalka dib ugu soo laabatay. Aqoonyahanadii kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in Drs Ayaan ay dhiiragelisay waxbarashada iyo wax-soo-saarka beeraha ee dalka.

Waxay iskuraaceen dhamaan Aqoonyahanadii kasoo qayb-galay kulankan in Drs Ayaan ay hormuud u tahay dhallinyarada kale ee dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana ay mustaqbal wanaagsan ku leedahay siyaasadda dalka.

“Drs  Ayaan Faarah, waxaa ay wax ka qabatay waxbarashada, waxaana ay caawisay carruur aan awoodin waxbarashada, waxaana sidoo kale ay abuurtay fursado waxbarasho. Dhinaca kale waxaa ay abuurtay barnaamij loogu magaac daray African agriculture, oo ay ka shaqeyn donaan hay’addo, sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah dhallinyaradii ka qeyb-gashay kullanka.

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah 70%, ayaa in shaqo loo abuuro waxaa ay u arkaan fursado dabahi ah.

Dhinaca kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay iney ka shaqeyneyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen fursado shaqo, bedalkii ay dalkooda ka tahriibi lahaayeen.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saareyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen, islamarkaana uga maarmi lahaayeen dalalka shisheeye.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia