4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Faafaahin: Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay Gobolka Gedo

 https://www.hiiraan.com/images/2017/July/
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa xalay ilaa shalay duqeymo ka fulinayay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, sida saraakiil ay sheegeen.

Degaannada ay duqeymaha ka fuliyeen diyaaradaha ayaa waxaa ay kala yihiin Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beeggan magaalladda Garbahaarey ee xarunta Gedo.

Cumaan Nuur Xaajji, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo, ayaa warbahinta u sheegay in duqeynta lagu beegsaday saldhigyo ay leeyihiin xarakadda Al Shabaab.

Ilaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeymaha, balse dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dad rayid ah oo khasaare uu kasoo gaaray duqeymaha.

Xaaladda degaannada Kabis iyo Sunuje, ayaa maanta deganaa, sida dadka degaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Dhinaca kale ma jirto war kasoo baxay xarakadda Al Shabaab oo ku aadan duqeymaha diyaaradaha.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia