4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 17, 2017
Dowladda oo baareysa khasaarihii ka dhashay muddadii uu maqnaa Internet-ka Fiber Optic

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Iyadoo uu maanta dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internetka Fiber Optica ayeey sheegtay dowladda Soomaaliya in ay guddi khubaro ah u saareyso khasaaraha ka dhashay maqnaashaha Internetka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur oo maanta warbahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kharashka khasaare ahaan u soo gaaray Ganacsatada mudadii uu maqnaa Internetka.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ku lumay intii uu maqnaa Adeegga Inernetka ee Fiber Optico, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la sameyn doono guddi soo baara dhaqaalaha rasmiga ee ku lumay maqnaasha Inernetka.

Khadka Internet-ka ayaa duhuradii maanta dib hawada ugu soo laabtay waxaana arintaan siweyn u soo dhaweeyay dadkii ku xirnaa ee ku fushan jiray howlaha kala duwan.

Muddadii uu hawada ka maqnaa waxaa uu saamey dhinacyo badan ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]