3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 17, 2017
AMISOM oo ciidamo dhigeysa jidadka isku xira magaalooyinka ay maamusho dowladda

 

Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidamada howlgalka midowgga Africa AMISOM Jen Cismaan Subagle ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in ay sifeeyaan Al-shabaab jidadka isku xira magaalooyinka ay maamusho dowladda.

Gaar ahaan taliyaha ayaa ku dhawaaqay in uu bilaabanayo howlgal lagu furayo waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaho.

‘’waad ogtihii magaalooyinkii waa laga xoreeyay Al-shabaab, laakiin waxaa ay ku nool yihiin oo ay ku joogaan in dariiqyadaa dhigaan miinooyin is qarxis, taasna hadda ayaa loo soo jeestay, waxaan rabaa in aan ka nidiifino dariiqyada si dadka meecmushtariga ah u kala socdaan’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM.

Al-shabaab ayaa weerraro ka geysta jidadka isku xira magaalooyinka ay dowladda maamusho, waxaana ay inta badan ku beegsadaan saraakiisha dowladda iyo gadiidka AMISOM ee isticmaala jidadkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/17/2017 4:14 PM EST
Waxaa habeenimadii sabtida ahayd ayaa wiil Soomaali American ah kana tirsan ciidamadda Booliiska Minneapoils shaqana ku jiray markaa uu toogtay qof haween ah.

7/17/2017 2:01 PM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) -Tababarkan oo la siinayo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa waxaa daah-furay madax ka socotay labada maamul ,iyada oo ay goob-joog ahaayeen saraakil ka socotay QM iyo Midowga Afrika.

7/17/2017 1:18 PM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Dadaal dheer oo ay si wadajir ah u bixiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Shirkadda gaarka loo leeyahay ee hirgelisay adeegga Fiber Optic-ga ayaa waxaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo adeeggii internet-ka ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

7/17/2017 12:38 PM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Dhallinyaro iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa shalay ka qeyb-galay kullan lagu qabtay magaalladda Muqdishu, kaas oo lagu dhiiragellinayay dhallinyarada dalka dibadiisa wax ku baratay ee dalka dib-ugu soo noqday.

7/17/2017 11:02 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ayaa xalay ilaa shalay duqeymo ka fulinayay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, sida saraakiil ay sheegeen.

7/17/2017 8:43 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Iyadoo uu maanta dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internetka Fiber Optica ayeey sheegtay dowladda Soomaaliya in ay guddi khubaro ah u saareyso khasaaraha ka dhashay maqnaasha Internetka.

7/17/2017 7:16 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Ra'iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau, ayaa la kulmay wiil yar oo isaga loogu magac-daray. Wiilka yar ayaa magiciisa waxaa uu yahay Justin Trudeau Adam Bilan, waxaana uu ka dhashay qoys Qaxooti ah oo kasoo cararay wadanka Suuriya haddana ku nool dalka Canada.

7/17/2017 6:37 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa sharci daro ku tilmaamay in ciidamo lagu wareejiyo oo la xidho Xafiisyadii xisbiga WADDANI uu ku lahaa magaalooyinka Gabiley, Nasiye iyo Qoyta, waxaanu xukuumada Kulmiye ugu baaqay in si dhakhso ah ay uga qaadaan ciidamadaasi.

7/17/2017 6:23 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) –Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ciise, ayaa sheegay in ay howlgallo Miina-Baaris ah ay ka sameeyeen deegaannada Buufoow, lambar Konton ilaa deegaanka lambar Lixdan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

7/17/2017 4:50 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw dib hawada ugu soo laabtay adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo ku dhawaad bil ka maqnaa gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

7/17/2017 4:05 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) – Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa iska dafiray warar ay baahiyeen warbaahinta, kaasoo ahaa in mid ka mid ah gaadiidkooda uu qof haweeney ah ku dilay duleedka Muqdisho.

7/17/2017 1:44 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) - Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa howlgallo culus waxa ay ka waddaan xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan , waxaana howlgalladaasi lagu baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

7/17/2017 1:35 AM EST
Isniin, July, 17, 2017 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo markii ugu horeysay ka hadlay kuraasta baarlamaanka ee wali leysku hayo ayaa sheegay in dib loogu laabto doorashada 8 da Kursi ee maxkamada sare go’aanka ka soo saartay.